Guddiga Doorashooyinka oo kulan la qaatay Safaarada Talyaaniga

Published: January 5, 2021

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaalka mudane Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka federaalka ayaa kulan la qaatay mudane Massimiliano Bertollo, Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay howlaha doorashooyinka iyo tabashooyinka jiro iyagoo adkeeyay in ay muhiim tahay meel marinta heshiiskii 17-kii Sebtember ee ay wada gaareen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya.

Safiirka ayaa isna dhankiisa boggaadiyey shaqada la qabtay iyo dadaallada ay wadaan Guddiga Doorashada, isagoona ku adkeeyay inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga ayaa safiirka u sheegay inay diyaar u yihiin hirgalinta doorasho daahfuran oo xilligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay kaalintooda qaataan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *