USA: Dimuquraadiga oo guulo ka gaaray Tartanka Aqalka Sare ee kuraasta Georgia

Published: January 6, 2021

Waxaa heer gebo gebo ah maraya tirinta cododka labada kursi ee Aqalka Sare (Senate) ee laga soo doorto ismaamulka Georgia State, waxaana cododka ku horeeya murashaxiinta Dimuquraadiga.

Doorashadan khaaska ah ee loo qabtay 2da kursi ee Senate-ka ee gobalka Georgia ayaa muhiim u ah labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga.

Xisbiga Jamhuuriga oo horey kuraastaasi u heystay ayaa hadii looga guuleysto tartankan dhumin doona Aqlabiyadii Aqalka Sare (Senate-ka Maraykanka) oo ah awooda kaliya oo ay ku horjoogsan karaan sharuucda ay soo saaraan Madaxweynaha cusub Joe Biden iyo xisbigiisa Dimuquraadiga oo heysta hada Aqlabiyada Golaha Wakiilada.

Donald Trump Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaanayo iyo Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa labaduba maalmihii lasoo dhaafay booqday goballka Georgia si ay ololahan uga qeyb qaataan.

Labada kursi ayaa waxaa ku tartamaya Murashaxa Xisbiga Dmuquraadiga Raphael Warnock oo horey usoo ahaan jiray wadaad Kirishtaan ah kana soo jeeda Madowga Maraykanka, murashaxan ayey hada muuqata inuu ka guuleystay haweenaydii la tartameysay Senator Kelly Loeffler oo ka tirsan Jamhuuriga iyo xulafada Trump.

Warnock ayaa noqon doona Senatorkii ugu horeeyey oo madow ah oo laga soo doorto gobalada Koonfureed ee Maraykanka oo ay cunsuriyiinta ku badan yihiin.

Murashaxa labaad ee Dimuquraadiga Jon Ossoff oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale dhanka cododka ka horeeya murashaxa la tartamayey ee Jamhuuriga  David Perdue oo horey kursigaasi ugu fadhiyey.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *