SYRIA: ISIS oo weerar ku dishay maleeshiyaad taageersan Bashar Al Assad

Published: January 9, 2021

Kooxda ISIS ee dalka Siiriya ayaa maanta weerar ay ku qaaday maleeshiyaadka iyo ciidamada Bashar Al Assad ku dilay ugu yaraan 7 askari.

Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Al-Shola ee gobalka Deir Ezzor oo horey uga tirsanaan jirtay dhulkii ay ka talin jireen kooxda Daacish.

Maleeshiyaadka deegaankaasi ku sugan oo kaashanaya ciidamada dowlada Bashar Al Assad ayaa la sheegay inay wadeen hawlgal ay magaaladaasi uga baarayeen haraadigii kooxda Daacish kahor intaan weerarkan uga imaan kooxda ISIS.

Kooxda Daacish ayaa weeraro gaadmo ah ka bilaabay gobaladii laga saaray waxayna sidan oo kale Axadii lasoo dhaafay weerar ay fuliyeen ku dileen askarta dowlada Siiriya oo saarnaa gaari bas ah oo marayey deegaanka Wadi al-Azib ee gobalka Hama.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *