Xukuumada Soomaaliya Oo Go’aan Ka Gaartay Doorashada Dalka 2021 – VIDEO

Published: January 9, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho.

Raysal wasaaraha iyo madaxweynayaasha ayaa isku raacay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan dib u dhac ugu iman waqtiga loo asteeyey.

“Marar badan ayaa ku celcelinay in ay albaabadaydu u furan yihiin cid walba oo tabasho qabta, aanna diyaar u ahay had iyo jeer inaan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay.”

RW Rooble

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay inay madaxda dowlada federaalku muujiyeen tanaasul isagoo sheegay inaan jawaab laga hayn JB & PL.

“Madaxda Qaranku tanaasul ayay ka muujiyeen arrinta doorashooyinka balse wali jawaab kama hayo saaxiibbadey Puntland iyo Jubaland.”

MD Qoor-qoor

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *