Madaxda Puntland oo yeeshay Kulan looga hadlayo Xiisada Shilling Soomaaliga – Sawiro

Published: January 10, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoominaya Shir goor dhaw ka furmay magaalada Garowe, shirkan gaarka ah ayaa looga hadlayaa xal u helida cabashooyinka la xiriira shilling Soomaaliga.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.

Waxaa kulanka sidoo kale ka qeybgalaya Khubaro ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland.

Suuqyada Puntland ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay sicir bararka la xariira qiimaha Shilling Soomaaliga ee sida weyn hoos ugu dhacay iyo dollarka oo sare u kacay, qaar kamid ah ganacsatada ayaa joojiyey inay qaataan shilling soomaaliga arrintan oo culeys saartay shacabka dan-yarta ah.

Dowlada Puntland ayaa horey usoo saartay amaro la xariira qaadashada shilling Soomaaliga kuwaasi oo qaarkood lagu guuleysan inay si wanaagsan u dhaqan galaan.

Deegaanada Puntland oo ah dhulka kaliya ee xiligan sida weyn looga isticmaalo shilling Soomaaliga ayaa waxaa muddooyinkii danbe soogalayey lacagaha shilling Soomaaliga laga keeno gobalada kale oo intooda badan hada laga isticmaalo dollarka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ah midda iyadu qaabilsan lacagta Shilling Soomaaliga ayaa ka hadlan dhibaatooyinka ka taagan arrimahan, xukuumada Federaalka ayaa inta badan canshuurta ay qaado ku qaada Dollarka Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *