USA: Kongareeska Maraykanka oo u codeeyey in xilka laga xayuubiyo Trump

Published: January 14, 2021

Mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Maraykanka Donald J Trump ayaa la ansixiyey kadib markii ay u codeeyeen Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Maraykanka.

232 Xildhibaan oo ay ku jiraan 10 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa codkooda ku taageeray mooshinkan, halka ay kasoo horjeesteen 197 xildhibaan oo ah taageerayaasha Donald Trump ee xisbiga Jamhuuriga. 4 Xildhibaan ayaa ka aamusay inay codkooda dhiibtaan.

Donald Trump ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo labo goor laga keeno mooshinka xil ka qaadista.

Trump ayaa xilkiisa waxa uga haray 7 maalmood oo kaliya, balse Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ee mooshinka ka keenay ayaa sheegay in uu xil ka saaran yahay in tilaabo sharci ah laga qaado Trump oo dhiirigeliyey kooxdii Arbacadii lasoo dhaafay weerarka ku qaaday xarunta Baarlamaanka, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 5 qof.

Sida uu qorayo sharciga Maraykanka ansixinta Konagreeska kadib waxaa mooshinkan loo gudbinayaa Aqalka Sare oo maxkamadeenaya Madaxweynaha, hase yeeshee waxaa la filayaa in Maxkamadeynta Trump ee Aqalka Sare ay dhici doonto kadib markii uu xilka ka dego 20ka bishan Janaayo.

Hadii Aqalka Sare Ansixiyo danbiga lagu soo oogay Trump ee ah kicinta shacabka iyo abuurista kacdoon ka dhan ah Sharuucda dalka iyo amniga wadankaasi, xukunkaasi ayaa ka horjoogsan doona Trump inuu markale isu soo taago xilka Madaxweynaha ama xil kale.

Trump ayaa rajeenaya inuu markale xilka Madaxweynaha u tartamo doorashada 2024.

Amaanka xarunta Baarlamaanka Maraykanka iyo caasimada Washington DC ayaa si weyn loo adekeeyey iyadoo la keenay ciidamo militari ah si ay gacan usiiyaan booliiska magaaladaasi xili loo diyaar garoobayo xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha cusub Joe Biden oo dhici doonta Arbacada soo socota.

Hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in taageerayaasha Trump ay wadaan abaabulka banaanbaxyo hubeysan oo ay doonayaan inay ka dhigaan asbuuca danbe dhamaan caasimadaha maamul gobaleedyada uu ka kooban yahay dalkaasi Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *