Dhulgariir ka dhacay dalka Indonesia

Published: January 15, 2021

Dowlada Indonesia ayaa gurmad xoogan ka wada jasiirada Sulawesi oo uu ka dhacay dhulgariir awoodiisa lagu qiyaasay 6.2, khasaaraha dhimashada ayaa la sheegay inay ka badan tahay 36 qof tiraddaasi oo la filayo inay sii kororto.

Dhulgariirkan oo dhacay xalay saqdii-dhexe ayaa keenay inay dad badan ay guryahooda ka qaxaan, waxaana dumay guryo badan oo ku yaal magaalada Mamuju oo ku taal jasiiradaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *