Madaxweyne Laftagareen Oo Kulmay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Xudur

Published: January 16, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa bulshada ka dhagaystay cabashooyin isa-soo tarayey maalmihii dambe kuwaas oo ahaa gaadiidka ganacsiga oo muddo afar bilood ah soo galin degmada isla markaana ay Alshabaab jidka u gashay 17 gaari oo xamuul ah kadibna ay gubeen.

Laftagareen ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida in arintan wax laga qabto, isaga oo dhinaca kalana hay’addaha samafalka ku wargaliyay in kaalmo lala soo gaaro dadka tabaaleysan ee ku dhaqan Xudur.

Booqashada Laftagareen ee Xudur ayaa imaneysa kaddib qeylo dhaan weyn oo ay muujiyeen bulshada degmada oo sheegay in ay soo food saartay daruuf nololeed tii ugu liidatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *