Deni: “Facebook haddaa danbi ku gashid..waa lagu soo qabanaayaa”

Published: January 17, 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar usoo xiray dufcadii 2aad ee ciidamada booliska Puntland oo ka baxay xerada tababarada ee Xorgoble Qardho.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku u dhammaaday, kadibna wuxuu meel fagaare ah ku daawaday dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey.

Madaxweynaya ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka dhameystay wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan, isagoo hadaljeedintiisa kusoo qaatay dhacdooyinka amniga lidiga ku ah iyo deganaanshaha ee ay geystaan siyaasiyiin dano kale leh, isago xasuusiyey in nidaamka Xisbiyada badan loo hirgeliyay in Siyaasiyinta kii dood qaba uu aragtidiisa ku gudbiyo.

“Dadka waayadan danbe caadeystay iyagoo dano Siyaasiyiin meelo kale jooga ka fulinaya, inay dadka kiciyaan, Booliiskaan booliiskii hore waa ka duwanyahay waxaa dacwad lagugu soo oogayaa meel kasta oo aad joogto oo danbi ku gashid, Facebook xitaa hadda danbi ku gashid waa lagu soo qabanayaan,”

Madaxweyne Deni

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *