Guddoomiyaha Mudug: “Wiilkii Dila Cali Dheere Waxaa Siinayaa $500,000

Published: January 19, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay inuu $500,000 oo doollar siinayo qofkii soo dila Cali Dheere oo ah afhayeenka kooxda Alshabaab.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka yiri kulan tacsi ah oo loo dhigay saraakiishii iyo masuuliyiin ku geeriyooday qaraxii ka dhacay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise, dhamaadkii Sanadkii 2020 kuwaasi oo ay kamid ah ahaayeen duqii hore ee Gaalkacyo iyo taliyihii ciidamada qaybta 21aad ee xoogga dalka.

Guddoomiye Cabdiladiif ayaa ballanaqaadkan lacageed uga jawaabayay hadal dhawaan kasoo yeeray Afhayeenka Al-shabaab oo ahaa in la dilo Cabdiladiif.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *