Laptop ay lahayd Nancy Pelosi oo Ruushka laga iibin lahaa oo la qabtey

Published: January 19, 2021
Riley June Williams

Booliska Maraykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen haweeyey lagu eedeeyey in ay xadey kunbuyuutarka gacanta lagu qaadan karo (Laptop) oo ay iska lahayd Nancy Pelosi oo ah afhayeenka Aqalka Kongeresska Maraykanka.

Haweeneydan ayaa dhacdey Kunbuyuutarka maalintii 6 Janaayo ee taageerayasha Donald Trump u daateen Aqalka baarlamaanka iyada oo uu socdo fadhigii lagu ansixinaayey doorashadii Biden iyo Kamala Harris.

Riley June Williams oo ah gabadha lagu eedeeyey tuugnimada ayaa waddey qorshe ay uga iibineyso dalka Ruushanka si ay u helaan macluumaadka ku jira.

Saaxiibkeedi hore ayaa booliska ku wargeliyey in ay haysato Laptop-kii Nancy Pelosi.

Haweeneydan ma ayasan qiran weli in ay iyada ahayd qofka xadey Kunbuyuutarka Nancy Pelosi, waxaase hadda loo qabtey in ay gashey oggolaansho la’aan aqalka Baarlamaanka.

Saaxiibkii hore ee gabadhan ayaa Booliska la wadaagey muuqaal iyada oo qadaneysa Kunbuyuutarka.

Ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Nancy pelosi ayaa xaqiijiyey in Laptop laga xadey xafiiska nancy pelosi.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *