Safiirada Beesha Caalamka iyo Axmed Madoobe oo doorashooyinka ka wada hadley

Published: January 20, 2021

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay James Swan, Wakiilka Midowga Yurub Nicolas Berlanga iyo Safiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Itoobiya, iyo Danjirayaal kale.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Arimaha muhimada u leh xaalada hadda lagu jiro gaar ahaan Amaanka iyo Doorashooyinka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

Axmed Maxamed Islan ayaa soo jeediyey in ay doorashada qaban karaan haddii ay helaan awood ay u madaxbanaan yihiin in ay doorashada ku qabtaan Garbaharey sida lagu heshiiyey, laakiin dib loo dhigi karo soo warejinta maamulka gobolka Gedo.

Ergooyinka Beesha Caalamka ayaa soo dhex galay arrimaha cakiran, waxaana la filayaa dhawaan safar ku imaan doonaan magaalada Garoowe, si loo gaaro heshiis lagu fulinaayo wixii lagu heshiiyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *