SHirka ka hortagga lacagaha la dhaqo oo Muqdisho ka furmey

Published: January 23, 2021

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee warbixinta qiimeynta khataraha lacag dhaqidda (money laundering) iyo Maalgelinta argagixisada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa uga mahad celiyay  Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (Financial Reporting Centre) FRC, howshan adag ee ay wadday labadii sano ee la soo dhaafay ee soo ururinta iyo diyaarinta warbixinta qiimeynta Khataraha Qaran iyadoo diyaarinta  Warbixinta u kaashaneysa  Khubaro Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka ayaa sheegay in warbixintani qayb ka tahay nidaamka Deyn Cafinta dalka ee inagala dhaxeeya Hay’adaha Lacagta Adduunka Iyo Baanka Adduunka.

Mudane Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno sidii natiijo wax ku ool ah looga gaari lahaa howshan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa si gaar ah ula dardaarmay xubnaha Guddiga Qaran ee ka hortaga Lacag dhaqida iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (National Anti-Money Laundry Committee) iyo Hay’adaha kale ee ku shaqada leh inay xil iska saaraan dhameystirka warbixinta qiimeynta khataraha Qaran ee lacag dhaqista iyo maalgalinta argagixisada.

Mahdi ayaa geba-gebadii u mahadceliyay Guddiga Qaran ee NAMLC iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (Financial Reporting Center) oo soo abaabushay shir weynaha qiimeynta khataraha Lacag dhaqida & Maal-gelinta Argagixisada (National Risk Assesment) iyo dhammaan hay’adihii kale oo ka soo shaqeeyey Warbixinta lagu qiimeynayo khataraha lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada.

Source> SONNA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *