Madaxweynaha Galmudug Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Ku Shiray Dhuusamareeb

Published: January 24, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa la kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada dhacaya 2021 oo weli muranka uu ka taagan yahay iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka jira.

War qoraal oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inuu James Swan la wadaagay madaxweyne Qoor-qoor baahida xiligan loo qabo wada-hadal, is-afgaradna lagu dhameeyo khilaafka ka jira doorashada dalka.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro khilaafka doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *