Sheekh Mustafe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe

Published: January 27, 2021

oo dhawaynta Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ee Garoowe ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golayasha kala duwan ee Puntland, Culimaa’udiin, Dhallinyaro iyo aqoonyahanno ka socday Jaamacadaha iyo Machadyada kala duwan ee Garoowe, waxayna ahayd mid si wayn loo soo agaasimay.

Wasiirka Cadaaladda, Diinta iyo Dastuurka Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo ka mid ahaa madaxdii soo dhawaynaysay Sheekha ayaa ku tilmaamay imaanshaha Sheekh Mustafe farxad iyo in uu yahay shakhsi kulansaday wanaag iyo Cilmi isugu jira Diini iyo Maadi intaba, bulshada Puntland ayka faa’iidaysan doonto muddada uu joogo Deegaannada Puntland.

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haruun ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida ballaaran ee Garoowe loogu soo dhaweeyay, isagoo xusay in uu rajaynayo in uu dalka ku maro kulamo Diini iyo is barasho ah.

Sheekh Mustafe ayaa ka qayb geli doona kulan Cilmiyeedka 12-aad ee Garoowe oo sanadkiiba mar ay qabato Mu’asasada Al-Minhaaaj, ayna ka soo qayb galaan Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee kala duwani, diiradana lagu saaro Marxaladaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda ka jira iyo arimaha Diiniga ah ee u baahan turxaan bixin iyo iftiimin wada jira.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *