Wasiirkii hore ee Sportiga Jamhuuriyada Bartamaha Afrika oo lasoo taagay Maxkamada Caalamiga ah ICC

Published: February 17, 2021

Wasiirkii hore ee Isboortiga ee Jamhuuriyada Bartamaha Afrika ayaa Salaasadii maxkamadeyntiisa ka bilaabatay Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalada ICC ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

Patrice-Edouard Ngaissona oo ay naynaastiisu tahay (Rambo) ayaa lagu eedeeyey inuu ka qeyb qaatay xasuuqii ka dhacay wadankaasi xiligii ay socdeen dagaalada sokeeye sanadkii 2013, waxaana la sheegay inuu hogaaminayey maleeshiyaad Kirishtaan ah oo dad rayid ah laayey.

Maleeshiyaadka uu hogaamin jiray ee loo yaqaan (Anti-Balaka), ayaa ahaa kooxo kirishtaan ah oo is abaabulay kadib markii ay Jamhada Seleka oo u badan Muslimiin ay xukunka ka tuureen Madaxweynihii hore ee dalkaasi Francois Bozize oo ahaa nin kirishtaan ah.

Mr.Ngaissona oo ah 53 sano jir ayaa maxkamada ICC horteeda ka sheegay inuusan wax danbi ah gelin isagoona beeniyey danbiyada loo heysto.

Waxaa sidoo kale maxkamada la horkeenay Alfred Yekatom oo isaguna ahaa hogaamiyayaasha maleeshiyaadkaasi horeyna u soo noqday Xildhibaan, eedaysanahaasi ayaa isaguna beeniyey danbiyada lagu heysto.

Danbiyada raggan loo heysto ayaa waxaa kamid ah dil iyo kufsi.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *