Muqdisho: Ciidamada Mucaaradka Oo La Wareegay Taaladda Daljirka Daahsoon – VIDEO

Published: February 18, 2021

Ciidamo uu wato General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhocadde ayaa caawa  la wareegay aagga taallada Daljirka Daahsoon oo la filayo in maalinimada berri ah uu ka dhaco bannaanbax ballaaran oo ay hoggaaminayaan Midowga Musharixiinta.

Gen. Indhocadde oo warbaahinta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkiisu yahay sugidda ammaanka dadka bannaanbaxaya, isla markaana uusan jirin cid si gaar ah ugu wakiilatay in uu la weego ammaanka Daljirka.

“Dalku dowlad malahan baarlamaanka waqtigiisu wuu dhamaaday,madaxweynuhu waqtigiisu wuu dhamaaday,si loo helo in dowlad ummadu leedahay doorasho ku timaado oo xor oo xalaal ah si loo helo maadaama aan dalkan dhiig badan u daadiyay,in afarta sano doorashada la helo,cida diidana aan ka hortagno ayaan halkan u imid, anigu wasiir baan ahaan jirey wasiirka joogo waa sidaas oo kale, Cabdiqaasim oo Qaahira jooga iyo Farmaajo waa isku mid, farmaajo waxa uu ku joogaa si qalad ah, sharciga ka baxsan, gardarro ah, wixii lagu joogay ka baxsan iyadaana diidanahay.”

Gen. Indhocadde

Dhanka kale ciidamada dowlada gaar ahaan ciidanka Haramcad ayaa xiray waddooyinka qaar ee Muqdisho, waxaana ay halkaas ka wadaan baaritaano.

Ciidamada Mucaaradka iyo dowlada ee caawa ku sugan waddooyinka ayey shacabka Muqdisho waxay ka muujiyeen wallaac ku aadan iska hor-imaad ka dhasha dhexdooda xili berri lagu wado inuu dhaco banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *