Jubbaland Oo Dhaleecaysay Rabshadii Muqdisho

Published: February 19, 2021

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa caawa war kasoo saaray rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Waraaq kasoo baxday Jubbaland ayaa lagu dhaleeceeyey falalkii ka dhacay Muqdisho, waxaana tacsi loogu diray dhamaan shacabkii waxyeeladu dhimashada iyo dhaawacu kasoo gaartay.

Jubbaland ayaa nasiib darro weyn ku tilmaantay inay ciidamada dalku dhibaato u geystaan shacab Soomaaliyeed, kuwaas oo ay sheegeen inaysan hubaysnayn lana weeraray masuuliyiin ka tirsan saamileyda Siyaasadeed.

“Dowladda Jubbaland waxay nasiib darro u aragtaa in dowladda Federaalka ee waqtigeeda dhamaaday, iyadoo awoodi kartay inay ka shaqeyso in xal siyaasadeed laga gaaro kala duwanaanshaha afkaaraha inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si la mid ah siday ku sameysay Gobolka Gedo”

Jubbaland

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *