Qardho: Beelo Kasoo Jeeda Gobolada Karkaar Iyo Haylaan Oo Mag la Kala Wareegay

Published: February 21, 2021

Shirar iyo kulamo wada hadal ah oo soo bilowday sanadkii 2015 oo u gogol xaarayey dhacdo ay seddex qof ku geeriyoodeen sanadkii 2011 oo ka dhacday dhulka miyiga ah ee u dhexeeya Qardho iyo Dhahar, ayey maanta odayaal dhaqameed, Isimo, waxgarad iyo aqoonyahanka laba beelood oo kala dega gobolada Karkaar iyo Hayland oo ku jirey xalinta mashaqadaas maanta mag ku kala wareegeen magaalada Qardho.

Munaaasabad qado ah oo ka dhacday hoteelka Enbeeye Qardho ayaa waxa ka hadlay siyaasi Cabdullaahi Cali Qood iyo Yuusuf Xaaji Siciid oo soo noqday guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland xiligii madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Yuusuf, waxay goobta ka sheegeen wixii lagu heshiiyey iyo magta la kala qaatay.

Ugu dambayn Shiikh Axmed Cawaale Gaare oo kamid ah culimada deegaanada Puntland ayaa dardaaran iyo duco kusoo xiray munaasabada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *