Soomaaliya Oo Cambaaraysay Hadal Kasoo Baxay Imaaraat-ka Carabta

Published: February 21, 2021

Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado oo aan la aqbali Karin qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraat-ka Carabta oo lagu sheegay in qalalaase ka socdo Soomaaliya, aysana ka jirin dawlad rasmi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in tan iyo markii ciidanka dawladda FS ay kala eryeen maleeshiyadii caasimadda dhexdeeda kaga dhawaaqday in aan dowladi jirin dalkana ay iyagu masuul ka yihiin, ay dawladda soo gaareen qoraallo kaga yimid dawladaha iyo ururada calaaqaadka wanaagsani kala dhexeeyo, balse Imaaraatku soo saareen hadal ay ku durayso dawladnimada Soomaaliya, kuna abuurayso xasrad iyo fawdo, sida Yeman iyo Libya ay colaad lugaha ugu galisay.

Waxa uu xusay in Imaaraat-ku faragalin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo soo maraya qaar ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada oo markii ay saxiixeen heshiiskii doorashada 17-da September ka dib safar ku tagay Imaaraat-ka, iyagoo diiday dhaqangalinta heshiiskii ay wax ka saxiixeen.

Tallaabooyinka ay ku kacday dawladda Imaaraat-ka Carabta ayuu sheegay  inay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah, anshaxa diblomaasiyadeed iyo xiriirka walaalnimada labada wadan oo muddo dheer ku dhisnaa is-ixtiraam iyo iskaashi tixgalinaya nidaamka dawladnimo.

“Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan wuxu ku qornaan jirey quluubta shacabta Soomaaliyeed aad na way u jeclaayeen, dulqaad iyo ilaalinta walaaltinimada ayaa dowladda Soomaaliyeed ku khasbay in markasta ay wanaajiso xiriirka labada dal”.

Wasiir Dubbe

Arrimaha doorashada ayuu sheegay in dawladdu ay ku taagantahay heshiiskii madaxda dawladda, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay Muqdisho ku gaareen, ayna diyaar u tahay in laga wada hadlo, wixii farsamo ahaan dhalilli ka jirto, taas oo madaxweynaha dawladda mudane Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo tanaasul badan ka muujiyey, shirna isugu yeeray mar kale madaxdii heshiiska saxiixday.

“Arrimaha Doorashooyinku waa arrin qusaysa Arimaha Gudaha ee Soomaaliya sida ay dalkasta u qusayso doorashadiisu, mana jiro dal ogolaanaya in qof waliba ka hadlo doorashada dalkiisa, doorashada Soomaaliya ma aha Timir xabaal taalla oo qof kasta gacanta gelin karo.”

Wasiir Dubbe

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay ma wanaagsanayn calaaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraat-ka Carabta, kadib markii bishii April 2018-dii dawladda Soomaaliya garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay diyaarad waday lacag ka badan 9-milyan oo Dollar, taas oo Imaaraat-ku lahaa dawladuna sharci darro ku tilmaantay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *