Turkiga oo ka walaacsan Xaalada Soomaaliya

Published: February 22, 2021

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Turkiga Axadii shalay ayaa loogu baaqay Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah in lasii wado wadahadalka oo laga hortago dagaal sokeeye.

Turkida ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin wararka kasoo baxaya dalka Soomaaliya oo ay sheegeen inay yihiin walaalo iyo saxiibo dhaw.

Baaqa Turkida ayaa lagu yiri:

Waa muhiim in dhamaan dhinacyada siyaasadda isku haya ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara dagaal, waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay isu yimaadaan oo ay xaliyaan khilaafka jira si wadar-ogol ah iyagoo tixraacaya heshiiskii 17kii September 2020.

Warka kasoo baxay Dowlada Turkida ayaa lagu soo beegay xili siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumada wakhtigeeda dhamaaday ee Federaalka Soomaaliya ay sheegayaan in ciidamadii ay Turkida u tababareen Qaranka Soomaaliya loo adeegsaday caburinta shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa sii fogaanaya khilaafkii u dhaxeeyey Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ee xubaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo Villa Soomaaliya, kadib weerarkii ciidamada dowlada la beegsadeen banaanbaxyadii Muqdisho ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay.

Jubbaland ayaa shan qodob ku xirtay shir danbe oo ay la yeeshaan Villa Soomaaliya, iyadoona ka codsatay Madaxweynaha wakhtigiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu raali gelin ka bixiyo dhibaatadii ka dhacday Muqdisho 19kii Feberaayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo kaalin weyn ku lahaa shirarkii lagu dhex dhexaadinayey Villa Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa isaguna xalay khudbad dheer oo uu soo jeediyey uga hadlay qaabkii Madaxweyne Farmaajo u diiday wadahadaladii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb isagoona ka digay qorshaha Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ku doonayo inuu awood ciidan kusii joogo Villa Soomaaliya.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *