Baarlamaanka CANADA oo caburinta CHINA ku heyso muslimiinta ku tilmaamay Xasuuq!

Published: February 23, 2021

Baarlamaanka wadanka Canada ayaa ansixiyey Mooshin dalkaasi ku cambaareenayo falalka Dowlada Shiinaha kula kaceyso muslimiinta laga tiro baddan yahay.

Qaraarka kasoo baxay Baarlamaanka Canada ayaa ah mid xisbiyada dalkaasi ay doonayaan inay cadaadis ku saaraan Xukuumada wadankaasi ee uu hogaamiyo Justin Trudeau inay go’aan adag ka qaataan xiriirkooda dalka China.

Mooshinkan oo ay soo diyaariyeen xisbiga Mucaaridka ah ayaa waxaa codkooda ku taageeray 266 xildhibaan, ma jirin xildhibaan diiday, walow ay dhamaan Xildhibaanada kamid ah xukuumada ay ka aamuseen codbixinta.

Baarlamaanka Canada ayaa sidoo kale ugu baaqay guddiga Ciyaaraha Olympic inay joojiyaan ciyaarahaasi la qorsheeyey in lagu qabto caasimada China ee Beijing sanadka soo socda ee 2022.

Dowlada China ayaa xeryo xabsi ah ku aruurisay in ka badan 1 milyan oo qof oo ah muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang ee wadanka Shiinaha, waxaana la sheegay in Xukuumada Shiinaha ay dooneyso inay dalkaasi ka suuliso dadkaasi muslimiinta ah.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *