Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo geeriyooday

Published: February 24, 2021

Rabbi ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle.

Ugaaska ayaa ku geeriyooday Hotel ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan in maalmihii u danbeeyey uu haleelay xanuunka COVID-19 oo hadda faro ba’an ku haya dalka.

Ugaas Xassan ayaa ka soo jeeda guri dhaqan oo facweyn waxaana la sheegaa in uu ahaa Ugaaskii 20aad, waxa uu xilka kala wareegay walaalkiis Ugaas Cabdiraxmaan oo ku geeriyoodey Beledweyne. Ugaas Xassan ayaa xilka hayey muddo 5 sano ah, waxaana si rasmi ah loo caleema saarey bishii Luuliyo 2016.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa lagu xusuustaa go’aanadii adkaa ee uu qaadan jirey, markii uu dalabanaayey in gobolka Hiiraan loo qaybiyo labo gobol, ka hor dhismaha maamul goboleedka Hirshaballe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *