Akhriso: Bayaan Kasoo Baxay Shirka Dowlada Federaalka Iyo Musharaxiinta

Published: February 25, 2021

Waxaa caawa bayaan laga soo saaray shirkii u dhexeeyey raysal wasaare Rooble, midowga musharaxiinta iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ee maanta ka furmay hotelka Decale Muqdisho.

War-murtiyeed ka kooban ilaa lix qodob oo kasoo baxay shirkan qaatay saacadaha badan ayaa lagu sheegay inay dowlada federaalku ka xun tahay talaabadii ay qaaday 19kii Febraayo isla markaana ka tacsiyeeyneyso, waxaana loo saaray guddi madax bannaan oo baaritaan ku sameeya wixii dhacay.

Dowlada iyo musharaxiinta ayaa isku afgartay in dib loo dhigo bannaan baxa berri oo jimco ah, isla markaana muddo 10 cisho gudahood ku dhaco, iyadoo dowladdu qaadaneyso doorkeeda sugidda Amniga.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *