Puntland Iyo Jubbaland Oo Soo Dhoweeyey Heshiiska Dowlada Federaalka & Mucaaradka

Published: February 26, 2021

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhoweeyey heshiiskii ay xalay gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo midowga musharaxiinta madaxtinimada dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo soo dhoweeyey heshiiska ay wada gaareen dowlada federaalka iyo midowga musharaxiinta ayaa ku baaqday in wax ka qabato caqabadaha ku xeeran shirweyne lagu xaliyo arrimaha kale ee hortaagan doorashada.

Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.

puntland

Sidoo kale Jubbaland oo soo dhoweysay heshiiska ayaa ugu baaqday inay wax ka badasho hababka ay ula dhaqmayso siyaasiyiinta mucaaradk, waxayna sheegeen in loo baahan yahay qabsoomida shirweyne loo dhan yahay oo lagu xaliyo caqabadaha ragaadiyey doorashada.

Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Shuruucda dalka.

Jubbaland

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *