IRAN oo diiday wadahadal horudhac ah oo la yeelato Maraykanka & EU

Published: March 1, 2021

Xukuumada Iran ayaa sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin shirar horudhac ah oo ay ku baaqeen Midowga Yurub in ay ku kulmaan dhamaan saxiixayaashii heshiiskii Nukliyeerka ee 2015.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee IRAN, Saciid Khatibzadeh oo sheegay in go’aankooda la xariiro hab dhaqanka khaldan iyo hadalada kasoo yeeraya Maraykanka iyo qaar kamid ah wadamada EU-da.

Iran ayaa sharuud uga dhigtay dib-u-dhaqangelinta heshiiskii 2015, in marka hore Maraykanka uu qaado xayiraadii ay xukuumadii hore ee Trump ay kusoo rogtay Tehran.

Maamulka cusub ee Maraykanka ee Joe Biden ayaa dhankoodana sheegay in marka hore wadahadalka la furo isla markaana meesha ka saartay in hada la qaadi doono cunaqabateynta.

Midowga Yurub ayaa todobaadkan soo jeediyey in la isugu yimaado kulamo horudhac ah oo ay ka qeyb galaan Iran, Maraykanka iyo dalalkii kale ee heshiiskaasi wax ka saxiixay oo ay ku jiraan Ruushka iyo China.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *