Jaamacadda Carabta Oo Cambaareysay Weerarkii Maqaayada Luul Yemeni Ee Muqdisho

Published: March 7, 2021

Gudoomiyaha baarlamaanka jaamacada carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxii argagaxisadu ku laayeen dad shacab ah oo maqaayad ku sugnaa jimcihii aynu soo dhaafnay kaas oo ka dhacay degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo jamhuuriyada federaalka ee soomaaliya uuna taageersan yahay dadaalada ay wado ee argagaxisada lagula dagaalamayo.

Gudoomiyaha wuxuu ku nuux nuuxsaday diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta  caalamiga ah islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida.

Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *