Ilaalada Madaxweynaha Jubaland Oo Ka Degay Muqdisho

Published: March 9, 2021

Ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimada dalka ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa hordhac u ah madaxweynaha Jubbaland oo la filayo inuu maanta gelinka dambe gaaro magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo looga hadlayo khilaafka arrimaha doorashooyinka ayaa ka dhacaya xerada Afasiyoon, kadib markii ay codsadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in shirka lagu qabto meel amaan ah, goobtaas oo ay amnigeeda sugayaan ciidamada howlgalka midowga Africa (AMISOM).

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *