Madaxweynaha Jubbaland Oo Gaaray Muqdisho – SAWIRO

Published: March 9, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Waxaa madaxweynaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne kala duwan.

Safarka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku qotoma ka qaybgalka shirka madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa arimaha Doorashada.

Dhanka kale safarka madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xili maanta ay warbaahintu tebisay in hoobiyayaal dhowr ah ku dhaceen xerada Xalane oo ah goobta la filayo inuu ka dhaco shirka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *