Imaaraadka Carabta Oo Wakiil Usoo Magacawday Soomaaliland

Published: March 13, 2021

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay wakiilka dowlada imaaraadka Carabtu usoo magacaabtay Somaliland, Danjire Abdulla Alnaqbi.

War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne Muuse Biixi waraaqaha aqoonsi ka gudoomay wakiilka cusub ee dowlada Imaaraadka carabta usoo magacaabatay.

” Madaxweynaha Somaliland waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan noqdaana dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliya Dalka, tanina ay tahay mid dhidibada u sii adkanaysa wada-jirka iyo wadashaqaynta dalalka Somaliland iyo Imaaraadka.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka madaxtooyada.

Wakiilkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee dowlada Imaaraadku Carabtu usoo magacawdo Soomaalilaand, ayaa kamid noqonaya wakiilo dhowr oo ay dowlado kale u jooga Soomaaliland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment