Madaxweynaha Jubaland Oo Ka Hadlay Dacwada Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya

Published: March 16, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Jubaland ay garab taagan yihiin sidoo kalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda Soomaaliya ay kusoo ceshanayso baddeeda ay muranka galisay Kenya.

War qoraal oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu muujiyey sida ay Jubaland rajo uga qabto dacwada badda inay ku guuleysato Soomaaliya.

“Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka”.

Axmed Madoobe

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah”.

AXMED MADOOBE

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *