Maxay tahay sababta dalal badan u joojiyeen talaalka COVID-19 ee Astra Zeneca?

Published: March 16, 2021

Dalal badan oo ku jira Midowga Yurub ayaa hakiyey  in ay sii wadaan talaalka Astra Zeneca  waxaana dalalkaas maanta ku biirey dalka  Iswiidhan. Wakaaladda Caafimaadka Dadweynaha ee Iswiidhan ayaa go’aansatay in nasasho laga galo talaalkaas illaa baaritaanka ay Hay’adda Dawooyinka ee Yurub soo gebagebeyso baaritaanka lagu tuhmayo talaalkan  dhibaatooyin uu sababey.

Horey waxaa u hakiyey dalalka  Denmark, Norway, Jarmalka, Faransiiska iyo Irlandi iyo kuwo kale, waxay joojiyeen in dadkooda lagu talaalo talaalka AstraZeneca ee COVID-19, maadaama qaar ka mid ah dadka la tallaalay lagu arkey dhiig xinjirow. Dalka Iswiidhan, kiis la mid ah lama soo sheegin, laakiin hakinta waxaa loo sameeyay nabadgelyo ahaan.

Sida laga soo xigtay khabiirka ku takhasusay cudurrada faafa ee dalka Iswiidan Anders Tegnell, go’aanka Sweden sidoo kale waxaa sabab u ah helitaanka nooc cusub, oo suurta gal ah in uu sababey.

– Hadda waxaa jira calaamado cusub oo ku saabsan nooc kale oo saameyn ah sida dhiig-baxa iyo wixii la mid ah. Waa saameyn aan caadi aheyn, waxaa jira kiisas faro ku tiris ah oo ka jira Midowga Yurub. Laakiin baaris ayaa la bilaabay waxaana u maleyneynaa inay macquul tahay inaan hakino, ayuu yiri Tegnell  isaga oo la hadley Radio Sverige.

Wakaaladda dawooyinka Yurub  ee loo soo gaabiyo (EMA) iyo maamulada caafimaadka ee dalal badan oo Yurub ah ayaa hadda baaraya warbixinada la tuhunsan yahay ee waxyeelada dhiig xinjirowga iyo dhiigbaxa dadka lagu tallaalay Astra Zeneca ee Covid-19.

Baaritaanku wuxuu diirada saari doonaa warbixinnada la tuhunsan yahay ee waxyeelooyinka ee la helay maalmihii la soo dhaafay si loo go’aamiyo haddii uu jiro xiriir u dhexeeya tallaalka iyo kiisaska la soo sheegay ee Dhiig xinjirowga iyo weliba Dhiig baxa.

Sida laga soo xigtay hay’adda EMA, wali ma jiraan wax muujinaya in tallaalku uu sababay xinjirowga dhiigga.

Baaritaan cusub ayaa la daabici doonaa Khamiista

Astra Zeneca ayaa sheegtay inay ka war hayaan 37 kiis oo xinjirowga dhiigga ah ee dadka lagu tallaalay tallaalkooda. Kiisaska qaarkood waxay ahaayeen kuwo dilaa ah.

Wadar ahaan 17 milyan oo qof ayaa lagu tallaalay tallaalka corona ee Astra Zeneca ee EU iyo UK. Si kale haddii loo dhigo, dad yar ayaa ku dhacay xinjirowga dhiigga oo ah saameyn dhinaca ah.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Wakaaladda Daawada Yurub ee EMA waxay ka wada hadlayaan tallaalka Astra Zeneca manta oo Salaadada waxaana markii hore loo qorsheeyay in EMA ay faallo ka bixin doonto tallaalka Astra Zeneca ee la xiriirta soo bandhigidda baaritaankeeda Khamiista. Laakiin hadda EMA waa la beddelay waxaana la filayaa inuu faallo ka bixiyo tallaalka Astra Zeneca goor hore galabnimada  manta oo Salaadada.

Hanad Askar – Horseed  Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *