Biden: Waa inaan laga aamusin oo laga hortago weerarada Cunsurinimada ah

Published: March 20, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Madaxweyne kuxigeenka Kamala Harris ayaa booqday magaalada Atlanta maalmo kadib weerarkii lagu dilay dad kasoo jeeda Qaarada Aasiya, weerarkaasi oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo cunsurinimo.

Joe Biden ayaa sheegay in shacabka Maraykanka laga doonayo in si mideysan uga hortagaan falalka cunsurnimada ku dheehantahay oo aan laga aamusin.

“…Aamusnaanteena waxay u muuqan kartaa raali ka ahaansho, lagama aamusi karo falalka cunsurnimada ah….” ayuu yiri Biden oo shalay kulan la yeeshay qaar kamid ah jaaliyaddaha ku dhaqan magaalada Atlanta.

Madaxweyne kuxigeenka Kamala Harris oo iyadu ah haweenaydii ugu horeysay oo xilkaasi qabata ayey hooyadeed kasoo jeedaa qaarada Aasiya, iyadoo sheegtay in xukuumadooda si adag ulla dagaalami doonaan falalka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka laga tiro badan yahay.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay baaritaan ku wado waxa ka danbeeyey weerarkii Arbacadii lagu qaaday goobo ganacsi oo ay lahaayeen dadka Aasiyaanka ah ee ku nool magaalada Atlanta, weerarkaasi oo 8 qof lagu dilay ayey 6 kamid ah dadkaasi ahaayeen haween asal ahaan kasoo jeeda Aasiya.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *