Farmaajo oo Shir ugu Baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada

Published: March 20, 2021

Madaxweynaha Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir inay ka soo qaybgalaan shir lagu dhamaystirayo heshiiskii 17-kii Sebteembar, kaasi oo qabsoomaya 22 bishan Maarso oo ku beegan maalintii Isniinta ah.

Shirkan oo labo maalmood soconaya ayuu Farmaajo sheeegay in lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Wuxuu sheegay in si dalka iyo dadka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah inmadaxda maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka.

Qoraalka ka soo baxay xarunta villa Somaliya laguma sheegin magaalada iyo halka uu ka dhacayo shirka wadatashiga ah ee u dhaxeeya madaxda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, galmudug iyo Hirshabelle.

Baaqa ka soo baxay villa Somaliya ayaa imaanaya iyadoo maanta Dowlada Maraykanka ay sheegtay inay ka walaacsan tahay jahwareerka Doorashooyinka ka jira Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqday madaxda Soomaaliya in doorasho deg-deg ah la qabto.

War saxaafadeed kasoo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Markaykanka, antony blinken ayaa ayaa lagu yiri waa in si deg-deg ah loo qabtaa Doorashada Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *