Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Oo hada shir Ku leh Muqdisho

Published: March 27, 2021

Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa hada waxa uu shir uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xal uhelida khilaafka Arimaha Doorashooyinka iyo sidii wadajir madaxda dowladahan ay door firfircoon uga qaadan lahaayeen xalinta ismari waaga taagan.

Shirkan hada u socda Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa laga war dhowrayaa natiijada kasoo bixi karta maadama aan ilaa iyo iminka meel lagu ogeyn qabsoomidda doorashadii dalka oo u xayiran isfaham waa wajiyo isdiidan leh.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *