Maxaa kasoo baxay shirkii Afisyooni uga socday Madaxda

Published: April 3, 2021
SAWIR HORE

Waxa goordhawayd soo gabageboobay shirkii u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka ee wakhtigoodu dhamaaday iyo Madaxda dowlad goboleedyada.

Shirkan oo uu gudoominayay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybalay shanta madaxweyne ee dowlad goboleedyada Puntland,Jubaland,Galmudug,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxda ayaa maanta ku lafa guray kulankooda qaabkii heshiis looga gaari lahaa Ajandaha shirka Rasmiga ee looga hadlayo arimaha doorashooyinka.

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in markale ay madaxda isugu yimaadaan shirka kale lana sii amba qaado wadatashiga is-afgaradka shirweynaha arimaha doorashooyinka, is- aragga maanta ayaana ujeedkiisu ahaa in la abuuro jawi lagu wadahadli karo isla markaana madaxda ay isku muujiyaan tanaasul.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *