Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Warka Dowlada Federaalku Kasoo Saartay Shirka Afisyooni

Published: April 7, 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in qoraalka iyo muuqaalka dowladda sii deysay uu ahaa wax horay u diyaarsanaa, isagoo tilmaamay inay cadahay in dowladda aysan rabin shirka looga hadlayo sidii dalka doorasho loo wada dhan yahay loo qaban lahaa.

“Waxaa layaab leh maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase cadaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, Wasiirka maanta hadlay dabcan wuu nala joogay maanta dharka uu watay iyo kii codka ku qabtay kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, mas’uuliyadeeda cida howshaas qabatay ayaa qaadi doonta”

Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni ayaa wareysigan ku sheegay in ay diyaar u yihiin in wadahadalada ay sii socdaan lana gaaro heshiis soo afjara khilaafka doorashooyinka.

Hoos ka dhegayso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *