Shirkii Madaxda Dowlada Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Kusoo Dhamaaday Natiijo La’aan

Published: April 7, 2021

Shirkii madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ee maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni ayaa markii 3aad kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuurkar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii Sep.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo”.

Wasiir Dubbe

Madaxda ayaa dood adeg ka yeeshay ajandaha shirka guud ee madaxda ee maalmaha soo socda furmi doona, waxaana mar kale la isku mari waayay qodobadii doodda adag ka taagneyd ee ahaa in ajandaha shirka soo socda lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *