Qaar ka mid ah Gollaha Wasiirada DFS oo Lagu isku Isbedelay

Published: April 11, 2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Mohamed Hussein Roble ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey qaar kamid ah golaha wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

isku shaandhaynta ayaa xilalka loogu kalala bedelay labo wasiir Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Duraan Axmed Faarax oo loo magacaabay  Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada, halka Wasiirka shaqalada, shaqaalaha iyo arrimaha bulshadana loo magacaabay Maxamed C/llahi Salaad Oomaar oo hore u muddo 4 sanno ahaa wasiirka duulista gaadiidka iyo duulista.

Wasiirka warfaafinta federaalka Cismaan Dubad oo wareegtada ra’isul wasaaraha akhriyay waxaa uu faray wasiirada la isku bedelay in ay degdeg xilka ula kala wareegaan.

Xukuumadda Federaalka ee Ra;isul wasaare Rooble faahfaahin dheeri ah kama bixin sababta keentay in xiligan la isku bedelo labada wasiir iyadoo dalka ay ka taagan khilaaf la xiriira doorashada barlamaanka iyo madaxtinimada dowladda federaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *