Ururada Bulshada Rayidka Oo Qaadacay Talaabadii Muddo Kororsiga Ee Golaha Shacabka

Published: April 13, 2021

Ururada bulshada rayidka ayaa qaadacay talaabadii uu golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya qaaday 12kii April, taas oo ay sheegeen inay liddi ku tahay heshiiskii 17 September 2020 ee labada gole ansixiyeen.

Go’aanka golaha shacabku qaaday ayey ku tilmaameen inuu yahay mid lagu degdegay isla markaana caqabad ku noqon kara geedi socodka dowladnimada, dhaawaci kartana midnimada Soomaaliyeed.

Bulshada rayidku waxay adkaysatay inay madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada sii wadaan wadahadalada si loo xaliyo tabashooyinka ku gadaaman qabsoomida doorashada.

Duubabka Soomaaliyeed , odayaasha dhaqanka yo culima udiinka ayey ugu baaqday bulshada rayidku inay u istaagaan sidii wadahadalada dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah loosii wadi lahaa.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *