Germany: Muddo kordhinta waxay Halis ku tahay Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya

Published: April 14, 2021

Waxaa isa soo taraya dowladaha ku biiraya baaqyda adag ee ka dhanka ah go’aankii Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu Muddo kordhinta ugu sameeyay Hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Somalia flag combined with germany flag

Jarmalka ayaa noqday dowladdii ugu dambeeysay ee digniin kasoo saartay Qaraarka uu gaaray Golaha shacabka waxaana war qoraal ah oo kasoo baxay ay ku sheegtay in muddo kororsiga uu halis ku yahay Xasiloonida iyo Nabadda dalka colaadaha kasoo kabanaya ee Soomaaliya.

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa shalay dhankooda cadeeyay mowqifkooda ku aadan Muddo kordhinta ay sameysteen Hay’adaha dowladda Federaalka ee wakhtigoodu dhamaaday waxaana ay ku hanjabeen in ay dib u qiimeyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya isla markaanaqaadi doonaan talaabo adag oo ka dhan arintan.

Madaxweynaha Muddada kororsaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaan weli ka hadlin baaqyada iyo hanjaabaha uga imaanaya dowladaha taageera Soomaaliya waxaana taa badalkeeda uu bilaabay soo saarista wareegtooyin uu xilal ku magacaabayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *