Cumar Cabdirashiid: Xaaladda kacsan ee Muqdisho cawaaqib xumo ayey keeni doontaa

Published: April 17, 2021

Raysalwasarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabsdirashiid Sharmaarke ayaa sheegay in xaaladda kacsan ee Muqdisho ka jirta ee ka dhalatey muddo kororsiga aan sharciga ahayn ay keeni karto oo keliya cawaaqib xumo.

Istaraatiijiyadda ku dhisan carqaladeynta dhacdooyinka muhiimka ah oo haddana qof kasta oo kale loogu eedeynayo natiijo xumida ayaa banaanka is keentay. Sii Kordhinta xaaladda kacsan ee kajirta Muqdisho iyo meelo kaleba waxay hubaal ahaan u horseedi doontaa cawaaqib xumo.

Cumar Cabdirashiid

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in xalka keliya ee arrimahan looga bixi karaa yahay in wada hadalkii dib loogu laabto dalkana doorasho laga qabto.

Horseed media

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *