Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo la dilay

Published: April 17, 2021

Dabley Hubeysan ayaa goordhawayd toogasho ku dishay gudoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdi Axmed.

Sida aan ku helayno wararka Marxuumka ayaa lagu dhex toogtay hoy uu ka dagan yahay xaafad loo yaqaan Sarkuusta oo duleed ka ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rag hubeysani ay gudaha u galeen Hoygiisa kuna dhextoogteen xili uu nasiino ku qaadanayay, laman oga cidda ka dambeysa dilka loo geystay.

Marxuumka ayaa loo magacaabay xilka Gudoomiyaha degmada Xamar jajab Bishii September sanadkii tagay 2020.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *