Maxay tahay sababta Farmaajo u dalbadey kulanka Musharixiinta?

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ku ekaa 8 Febaraayo, kadibna samaystey muddo kororsi labo sano ah, ayey soo wajahdey ciriiri siyaasadeed iyo khalkhal amni, taas oo caqabad weyn ku ah mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo sida ay ugu meel mari lahayd in uu dalka labo sano oo aan sharci ahayn sii xukumo ama uu dib ugu laaban lahaa miiskii wada hadalka doorashada ee uu albaabkeedi xiray.

Arrinta ugu weyn ayaa ah warka habeenkii xalay ka soo yeeray Farmaajo ee ah in u doonaayo in uu la kulmo Midowga Musharixiinta oo hadda ku haya cadaadiska ugu weyn.

Labada Madaxweyne Dowlad goboleed ee gacansaarka la leh Farmaajo, kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo kan Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa dhankooda soo wajahay culeys siyaasaded kuwaas oo noqdey hashii laba midigluhu dheelmay.

Midowga Musharixiinta ayaa u direy Qoor-qoor iyo Guudlaawe in ay laba mid soo galaan oo caddeeyaan mowqifkooda ku aadan labada sano ee Farmaajo xilka kororsadey, haddaba kulan ay habeenkii xalay Farmaajo la qaateen ayey kala soo laabteen codsi ay uga sidaan oo ah in ay wada kulmaan Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta si masiirka dalka looga wada hadlo.

Arrintan ayaa la is weydiinayaa danta Farmaajo kalahaa.?

  • Waxaa la ogaa in Madaxweynayaashii hore oo hoggaamiya Midowga Musharixiinta ay Farmajo isugu yimaadeen aaskii Cali Mahdi Maxamed, laakiin isaga oo aan salaanta ka qaadin uu dib u laabtey.
  • 18 Febaraayo waxa uu Madaxweynayaashii hore ku xabadeyey Hotelkii ay deganaayeen oo uu ku go’doomiyey, iyada oo Xassan Sheekh Maxamuud sheegay in ay ahayd dil ay ka badbaadeen, halka 19 Febaraayo uu xabbad la dhacay dadkii mudaaharaadaayey oo ay kamid ahaayeen raysalwasaarihii hore oo hadda kamid ah Musharixiinta.
  • Wuxuu Farmaajo diidey dalabayadii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee ah in talada wax laga siiyo Midowga Musharixiinta ee u hadda doonaayo la kulmo.
  • Intaas oo arrimood oo taagan, ayuu ALBAABKII wada hadalka si toos ah u xirey isaga oo dalabdey in muddo laba sano ah mudada loogu daro, taas oo qaraar ku soo saareen mid kamid ah labadii Aqal ee doortey, Golaha Shacabka ee muddo xileedku ka dhamaadey, taas oo dab iyo baasiin qabad siisey xaaladda dalka una jiheysey waddo mugdi ah.

Haddaba sida ay sheegayaan ilo ku dhaw Wakiilada Beesha Caalamka, habeenimadii 12 Abril 2021 ayaa Farmaajo la hadley wakiilada Beesha Caalamka waxaana uu u sheegay in uu mudada kororsanaayo laba sano, caqabadda ugu weyn ay tahay iyaga (Beesha Caalamka) oo ay ka daayaan farogelinta, wuxuu u sheegay marka uu kororsado la heshiin doono ugu horreyn Midowga Musharixiinta, kadibna uu u gudb doono Puntland iyo Jubaland.

Maalintii shalay ayaa Farmaajo oo aan ahayn kii dhihi jirey fadhigeyga hala iigu yimaado, qabkiisina meel soo dhigtey, waxaa looga yeeray Xalane, waxanaa uu shir la qaatey kooxda la isku yiraahdo C6+ ee ay kamid yihiin UNSOM, IGAD, AU, EU, UK, US, Sweden, Italy. Kooxdan ayaa kala hadley sida aysan marnaba u aqbaleyn muddo kororsi, sida ay horey u sheegeen iyo tallaabooyinka ay qaadayaan haddii aan dib loogu laaban 17 September heshiiskii ahaa oo ah xalka keliya ee dalka u furan.

Farmaajo oo isticmaalaya tabihiisi uu horey ugu sheegay ayaa ku doodey in uu la ballansan yahay Midowga Musharixiinta heshiisna ay gaarayaan, si lamid ah Deni iyo Madoobana uu heshiis la gaarayo Baarlamaanka dib u mideynaayo, laakiin wakhti la siiyo.

Haddaba kulanka uu doonaayey in musharixiinta la qaato ayaa ah in uu Wakiilada Beesha Caalamka ee cadaadiska ku haya u muujiyo in Soomaalidu ay heshiin karto kuwii ay aadka u kala fogaayeena uu miiska soo fariisiyey, sidaas darteed loo baahan yahay in ay isaga uga danbeeyaan arrimaha Soomalida.

Laakiin, Midowga Musharixiinta oo garanaya qofka uu Farmaajo yahay, ayey ku gacan sayreen la kulankiisa, waxaana maanta hor yaala saddex daran mid dooro.

  • In uu waxba kama jiraan ka soo qaado qararaarkii Baarlamaanka, taasna waxa uu u baahan yahay in uu helo sabab iyo wax uu wejigabaxa isaga dhaqo (face saving)
  • In uu is casilo una daneeyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, si dalka doorasho degdeg ah loogu jihooyo.
  • Wixii intaas ka soo harey waa in uu dalka dib ugu celiyaa wadadii dagaalka, qaxa iyo rafaadka lahayd ee isagu aanu markhaantiga ka ahayn, wixii dhacay keliya in uu ka daawado shaashadaha caalamka maahee.

Maxamed Cismaan
Horseed Media