Ciidamo Ka Socda Dalka Nigeria Oo Soo Gaaray Soomaaliya

Published: April 19, 2021

Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Nigeria ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Ciidamada oo u badan saraakiil tiradoodana gaareyso 144 xubnood  ayaa la sheegay in ay dalka sii joogi doonaan muddo hal sano ah, iyaga oo taageero siin doona ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel Ali Gwambal ayaa sheegay in 30 askari oo ka mid ah ciidamadan la geyn doono magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle, halka inta soo hartayna ay ka shaqeyn doonaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Soomaaliya ayaa waxaa hore u joogay ciidamo fara badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo ka socda dalalka Afrika qaarkood, waxaana Ciidamadan ay isugu jiraan kuwo Milatari ah iyo kuwo kale oo Boolis ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *