Madaxweynihii mudada dheer ka talinaayey Chad oo la diley

Published: April 20, 2021
Madaxweynihii Chad Idriss Déby wuxuu ahaa 68 jir dalkiisa ka soo taliyey 31 sano

Madaxweynihii mudada dheer ee dalka Chad Idriss Déby ayaa geeriyooday. Waxaa lagu dhaawacay booqasho uu ku tagay jiida hore, aagaga ay ka socdaan dagaaladu. Sida laga soo xigtay militariga, baarlamaanka iyo dowladda waa la kala diray. Xuduudihii dalkaasna way xiran yihiin waxaana la soo rogey bandoow.

Afhayeen u hadlay Ciidamada ayaa shaaciyay geerida Madaxweyne Deby, waxa uu sheegay in uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaaray dagaal dhexmaray ciidamada Dowladda iyo kooxo fallaago ah.

Toddobaad uun ka hor, Déby ayaa loo doortay mar lixaad inuu noqdo Madaxweyne. Waxaa natiijada ka horyimid mucaaradka. Wuxuu dalka xukumayay ilaa bishii Diseembar 2, 1990.

Intii lagu guda jiray doorashada, dhaqdhaqaaqa kacdoonka ee Front for Change iyo Concord ee Chad ayaa qaaday weerar culus oo ka dhan ah caasimada N’Djamena. Sidaa darteed, Madaxweynaha wuxuu booqday ciidamada fadhiya jiida hore halkii uu ka jeedin lahaa khudbadiisa guusha.

Hadda gole militari ayaa si kumeel gaar ah ula wareegaya awooda, waxaana hoggaaminaaya wiilkiisa 37 jirka ah Idriss Déby Itno.

Déby wuxuu ahaa 68 sano jir, waxaana uu jirey markii uu talada dalkaas la wareegay,37 sano jir, si lamid ah wiilikiisa hadda talada la wareegay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *