Golaha Amaanka ee QM oo walaac ka muujiyey xaaladda Soomaaliya

Published: April 21, 2021

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa habeenkii xalay fadhi aan rasmi ahayn ka yeeshay xaaladda Soomaaliya. Golaha Amanaaka oo ka kooban 15 dal, waxaa Madaxweynaha wareega ee golaha bishan hayey dalka Vietnam.

Goluhu waxa uu warbixin ka dhegaystey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliyau fadhiya James Swan.

Inkasta oo aan goluhu soo saarin warsaxaafadeed rasmi ah ayeyse qaarkood la wadaageen saxaafadda wixii ay uga hadleen golaha.

Madaxa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey Denjiraha Vietnam Dang Dinh Quy, ayaa sheegay in Golaha Amaanku uu walaac xooggan ka qabo xaaladda Soomaaliya.

Quy oo shir guddoominaayey fadhiga wuxuu ugu baaqey dhinacyada ay khuseyso ee Soomaaliya in ay iska ilaaliyaan ficillada murugsan xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay dhinac iska dhigaan khilaafaadka, dib u bilaabaan wadahadalka, ayna sameeyaan dadaal dheeri ah si loo gaaro is afgarad siyaasadeed ku saabsan qabanqaabada doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo dhaweeyey doorka dhex-dhexaadin ee Midowga Afrika iyo Golaha Iskaashiga Dowlad-gobaleedyada ee ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dalalka Norway iyo Ireland ayaa sidaas oo kale shaaciyey wixii golaha looga hadley, waxaana ay dalbdeen in dib loogu laabto 17 September waddo kale oo furan ma jirto.

Fadhiga Goluhu isugu yimid ayaa ahaa kii u horeeyey ee si toos ah oo qof ahaaneed looga qaybgalo, halka kulamadii hore ay ahaayeen kuwo ku dhaca aaladda fogaan araga, sidoo kale kulankan ayaa ah kii labaad ee Golaha Amaankau ka yeesho Soomaaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkan ka codsaday guddoomiyaha midowga Africa ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo Flex Tshikedi inuu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya, isla markaana uu dusha kala socodo wadaxaajoodka xal u helista is-mariwaaga doorashada.

Muddo kororsiga Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhamaadey samaysteen ayaa weydey wax taageero ah oo caalamku siiyo, waxana lagu wadaa in dhawaan uu bilowdo wada hadal dib loogu noqonaayo miiska iyada oo lagu salaynaayo 17 September heshiiskii la gaarey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *