Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Madaxa WHO Ee Soomaaliya

Published: April 21, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik.

War kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Puntland iyo hay’adda WHO.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dadaalka ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa Covid19 iyo dhiirgelinta tallaalkiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *