Dowladda Federaalka ee wakhigeedu dhamaaday oo ka jawaabtay go’aankii Golaha Amniga Midowga Afrika

Published: April 24, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu uu dhamaaday ayaa ka jawaabtay go’aanadii kasoo Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay talaabadii muddo kororsiga Hay’adaha dowladda.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xilgaarsiinta Cismaan Obokar Dubbe oo shir jiraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in urur Caalami ah ama urur Goboleed uu cambaareeyo go’aan kasoo baxay Hay’ad Sharci dajin Dal madax banaan go’aankaas oo uu ula jeeday midkii sharci daradda ahaa ee 2-da sano Muddi kordhinta loogu sameeyay madaxweynaha iyo xildhibaanada wakhtigu ka dhamaaday ee Golaha Shacabka.

Dubbe ayaa dafiray guuldarada diblomaasiyadeed ee dowladda wakhtigu ka idlaaday ee madaxweyne hore Farmaajo kasoo gaartay Shirkii golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee taageero u raadinta Go’aanka Muddo kororsiga waxaana taa badalkeeda uu ku eedeeyay dowladaha Kenya iyo Jabuuti lahaanshaha qaraaradii adkaa ee kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika si gaar ah cambaareyntii Muddo kordhinta iyo baaqii la socoshada AMISOM ee ciidamada Federaalka ee loo adeegsanayo danaha gaar ah.

si kastaba waxaa sii kordhaya guuldarrooyinka diblomaasiyadeed ee ay la kulmayso dowladda wakhtigu ka dhamaaday ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana la ogeyn talaabooyinka xiga ee ay qaadayso maadama uu kasoo xirmay albaabadii ay taageerada ugu raadinaysa Muddo kordhinta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *