Roobabkii Gu’ga oo ka curtay Degmooyin kamid ah Gobolka Nugaal-SAWIRO

Published: April 24, 2021
Shares4

Saacadihii lasoo dhaafay Roobab Mahiigaan ah ayaa ka da’ay qaar badan oo kamid ah deeganada gobolka Nugaal sida degmooyinka Dangaroyo,Burtinle ,Eyl iyo deegaano kale.

Roobabka ayaa maasheeyay deegaanada badankii ee gobolka Nugaal oo ay mudooyinkii ugu dambeeay ka jireen abaaro dad iyo duunyo saameeyay.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen Roobabkan inkastoo lasoo sheegayo daadad biyo dhigan (raacshay) dooxooyinka gobolka Nugaal.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa gelinkii dambe qeyb ahaan shalay waxaa ka da’ay Roob tiix ( shuux) kaasoo dadku ay ku qabowsadeen.

Sida Rabbi laga rajaynayo maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in Roobabka Gu’ga ay ka curtaan intabadan gobolada iyo degmooyinka dalka xili dadku ay baahi weyn u qabaan Raxmadda Eebe.

Gobolo badan oo kamid ah Soomaaliya waxaa dadka kunool ay mudooyinkii dambe la daalaa dhacayeen Abaaro daran kuwaasoo ku khasbay in u hayaamaan deegaano kale si ay iyaga iyo duunyadooda u helaan biyo iyo baad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *